Tima daadashada maxaa keena iyo sida loo daweeyo?
Tima daadashada waa xaalad caadi ah gaar ahaan hadii ay maalinti kaa go,do boqol tin hadii ay kaa go,do hadii ay kabadan kaa go do waa xaalad aan caadi aheyn waxaana la yiraahdaa tima daadashada hadaba waxaan kadleena maxaa sababa
Maxaa sababa tima daadashada
1. Nafaqodaro. Sida jirkeenu ugu baahanyahay nafaqo dhameystiran ayuu jirkeenuna ugu baahanyahay nafaqo dhameystiran sidoo kalana waxaad ogaataa unugyada labaad ee jirkeena ugu korriimada badan inay yihiin kuwa timaha sameeya ee loo yaqaano haircells halka kuwa ugu dhaqsiyaha badan ay yihiin unugyada madhiciraha marka si ay sidegdeg ah ugu koraan waxay ubahanyihiin nafaqo kala duwan sida proteins vitamins iyo minerals
2. Daryeel la,aan sida caadiga ah timaheenu waxey ubaahanyihin daryeel dhameystiran hadii aadan daryeelin timaha ama uu liito daryeelkaaga waxey keenesa tima daadashada waa inaad timahaaga habeenkii iyo subaxii shanleysataa isbuucina halmar shampoo ku dhaqatid
3. Genetics ama Dhaxal inta badan 90% tima daadasha waxey ku imaadaa dhaxal qofka inuu reerkiisa mid kamid ah ka dhaxlo waxeyna inta badan tima daadashada lasocotaa da,da qofka
4. Dawooyinka qaar dawooyinka qaar ayaa sababa tima daadashada sida daawada cancerka ama chemotherapy sido kale dawoyinka kala goysyada sido kale dawoyinka sababa tima daadasha waxaa kamid ah dawooyink wadna xanuunka
5. cudurada qaar cudurka ugu badan ee inta badan sababa tima daadasha waxaa loo yaqaanaa alopecia areata wuxuu kudhacaa halka ay tinta kasoo baxeyso wuxuuna sababaa iney tin kasoo bixin ama hadey soo baxdo markii la shanleeyo ey daadato
Calaamadaha lagu garto tima daadashada
- tinta oo noqota mid dhuudhuuban oo awood laheyn dhumuc aan laheyn oo qafiif noqota
- in qeyb tinta kamid ah lunto oo tintaada banbanaano yeelato
- cuncun maqaarka madaxa ah
Sidee loo daweeyaa tima daadashada
- Inaad qaadatid cuno isku dheeli tiran oo ay udhameystiranyihiin dhamaan vitaminska proteinka iyo macdanaha I ay timahaaga ukoraan dhumucna uyeshan
- Inaad iska ilalisid waxyaabaha ku keenayo oo ay kamid yihiin waxyaalaha aan kor kusoo xusnay
- Inaad qaadatid shampooyinka anti dandruffka nooci aad heli kartid
- Inaad iska yareesid stress ka iyo isku buuqa
- Waa inaad timahaaga isbuucii halmar dhaqdaa oo aad biyaha iyo shampada badan ka ilaaluisaa waayo biyaha badan waxay dilaan timaha sido kale shambada badan waxey disha timaha
- Inaad qaadatid dawoyinka timaha dheereeya gaar ahaan dawada loo yaqano minoxidil balse waa inaad marka hore latashatid Dr maqaar si uu kuulataliyo kuuna siiyo daawada kugu habboon
Sida dabiiciga ah ee loo daweeyo tima daadashada
- Basasha basaha oo shiidid biyadeeda oo madaxa lamariyaa kadib waxaad mudo 40 daqiiqa ah kadib waad ka dhaqeysaa waxay ka saacidesa in xidida dhiiga ee madaxa si fican ushaqeeyo eyna tima cusub soo baxaan
- Green tea ama caleenta cagaaran. oo madaxa ku dhaqatid waxay daweysaa tima daadashada
- Saliid qumbaha. waxaa ku jira maada loo yaqaano fatty acid oo ufiican timaahaga saliid qumbaha waxaad ku sameysankartaa gurigaaga adigoo jooga qumbaha ayaad soo qadeysaa waad shiideysa ayada caanaheedanba kadib ayaad karineysaa waad sugeysaa ilaa uu dhacaanka ka dhamaado oo ay saliida kusoo Harto
- Toonta. Toonta oo la shiido kadib dhacaankeeda madaxa lamarsaada waxaadna ku joogeysaa 15 daqiiqo kadib ayaad iska dhaqeysaa toonta waxey socodsiisaa wareega dhiiga ee madaxa faiidA badan ayeyna uleedahay madaxa waxey ka daaweuneesa tima daadashada
- Dhagayaraha. Dhagayaha wuxuu leeuahay vitamins badan waxaad u isticmaaleysaa koob biyo ah ayaad ku dareysaa 2 qaado oo dhagayara ah kadib ayaad la dhigeysaa 2 habeen ka did ayaad isticmaaleysaa tintaada oo nadiif ah ayaad marsanaysaa waadna kulA shanleyneesaa kaagama baahna dhagayaraha inaad iska dhaqdid malinkasta waad isticmaali kartaa iska ilaali inaad dhayaraha karkarisid waato wuxuu leeyahay madax xanuun
Ugu danbeyn si aad caafimaad jir ahaaneed iyo xag timaba uheshid waa inaad ku dadaashid cunnada caafimaadka leh iyo daryeelida caafimaadka jirkaaga iyo timaahaaga wan rajeynayaa inaad maqaalkan waxbadan ka faaiiday